Kiiska: Usbuucii hore waxa jiray warr dadka iskuulada jooga ay ka hadlayeen oo ku qornaa jaraa’idka, radiyahana laga maqlay. Qof shaqaale ka ah iskuulka Harstad ayaa loo xidhay ka dib markii lagu soo eedeeyay danbi anshi xumo ah oo uu ku sameeyay gabadh yar oo caruur ah oo degan magaalo kale oo dalkan ah. Waa arrin sharci darro ah.

Baadhitaan: Eedaysanuhu wuu qirtay danbiga waxana uu ku jirra xabsiga, laamaha amniguna waxa ay baadhayaan sidii danbigu uu u dhacay iyo in ay danbiyo kale jirraan. Laamaha amnigu markay shaqadooda dhamaystaan waxa ay uu gudbindoonaan kiiska maxkamada, maxkamaduna waxa ay og’aamindoonta xukunka ciqaabta.

Sharcidarro: Cidna kama qaadi karto sawir qaawan ilmaha, waana sharcidarro in uu qof ku dhaho siib dharka. Waxa kale oo sharcidarro ah in uu qof weyn kaa dalbado sawiroo qaawan internetka ama telefoonka moobilka. Caruurtu jidhkooda iyaga ayaa iska leh. Hadii uu ilmuhu la kulmo wax uu isagu rabin oo ku saabsan jidhkiisa, ha u sheego waalidkiisa, iskuulka ama cid kale oo mas’uul ah.

Qaybo kaladuwan: inkasta oo u shaqalahan uu danbi dhex dabaashay, hadana dad badan ayaa qaba in uu qof aad u fiican ahaa. Waxaad ogataan in uu qofna kaliya fiicnay, qofna uu na kaliya xumeyn.

Xog qarrin: Shaqaalaha degmadu waxa ay leeyihiin xuquuqda xog qarrinta. Taasi macnaheedu waxa weeyi in aannaynu ka sheekayn qof kale arrimihiisa, sidaa darteed ma sheegayno qofka magaciisa. Haddi ay caruurtu ogtahay qofka magaciisa waxaan dalbanaynaa in aanay sii faafin. Cid aan waxba galabsan ayeey hadii kale culays ku noqon kartaa sida qoyskiisa oo kale.

U tudhitaanka qoyska; Qoyska qofka danbiilaha ah markasta waxay la kulmaan culays. Haddi aad taqaan qoyska ninkan, waxaad ogaata in uu culays wayn haysto wakhtigan, u muuji naxariis badan, iyagu danbi may sameeyn, la rafiiq oo qalbiga u qabooji.

Wadahadal: Iskuulku waa amaan. Haddii ay jirraan dad raba in ay kiiskan wax badan ka ogaadaan, waxay kala hadli karaan waalidiinta, macalimiinta, agaasimaha iyo kalkaalisooyinka caafimaadka ee iskuulka.

Ciddi rabta in ay booliska la hadasho, waxa ay wici karran Morten Hole oo ah u qaabilsanaha kiiska baadhitaankiisa. Waxa uu haysta nambarkan: 90652940

Qoddobada aan kor ku soo xusnay waxa ay fudaydin karran ka hadalka arinkan aadka u murugta badan.

Salaan sharafeed

Hugo Thode Hansen
Rådmannen
Harstad Kommune